Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Leganes… +SAWIRRO

(Spain) 17 Juun 2020Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa gool muhiim ah kaga gaartay naadiga Leganes garoonkeeda Camp Nou, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0 kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee dheesha ayaa ku dhamaatay 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 42-aad kooxda Barcelona ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay da’ayarka reer Spain ee Ansu Fati, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Junior Firpo.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 69-aad kooxda Barcelona ayaa heshay rigooro ama gool ku laad, waxaana gool u badalay Lionel Messi oo ciyaarta ka dhigay 2-0.

Ugu dambeyntii dheesha ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-0 ay ku adkaatay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close