Luka Modric oo ka warbixiyay jabka ka soo gaaray kooxda Real Madrid bixitaankii Cristiano Ronaldo

(Madrid) 15 Juun 2020. Xiddiga kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Luka Modric ayaa difaacay saaxiibkiisii ​​hore ee Cristiano Ronaldo, kaasoo haatan weerarka kaga ciyaara naadiga Juventus.

Dhinaca kale xiddiga qadka dhexe reer Croatia ee Luka Modric ayaa ka warbiyay sababtii uu Cristiano Ronald u imaan waayey, xafladii laguu bixinayey abaal-marinta laacibkii ugu fiicnaa sanadka ee FIFA The Best 2018.

Luka Modric ayaa loo caleemo saaray abaal-marinta laacibkii ugu fiicnaa sanadka ee FIFA The Best 2018, kaddib markii uu kooxdiisa Real Madrid kula guuleystay koobka Champions League, isla markaana uu xulkiisa qaranka Croatia la gaaray finalkii koobka adduunka, isagoo ku garaacay abaal-marintan xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Haddaba Luka Modric oo bixiyay wareysi ayaa difaacay Cristiano Ronaldo, maadaama uu ka maqnaa xafladii FIFA The Best ee 2018, wuxuuna yiri:

“Ka hadlida ciyaaryahan waxay ila muuqataa doqonimo, waa mid ka mid ah Ciyaartoyda ugu waanaagsan taariikhda”.

“Waxaan luminay gooldhalintiisa iyo dabeecadiisa weyn ee kooxda Real Madrid, Cristiano marwalba wuxuu doonayaa inuu guuleysto”.

“Cristiano aad ayuu inoo dhiiragalin jiray si aan u dagaalano, wuxuu leeyahay qalbi weyn, mar walbana wuxuu caawiyaa dadka u baahan caawinta”. ayuu yiri Luka Modric.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close