Arsenal oo Kooxda Manchester United ku garaacday difaac dhexe oo aad loo qiimeeyo… (Waa kuma?)

(London) 15 Juun 2020. Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa Manchester United ku garaacday tartanka daafaca dhexe ee Dayot Upamecano.

Arsenal ayaa la soo warinayaa inay ku guuleysatay tartanka loogu jiro daafaca dhex ee Kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano.

21-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa kooxda Leipzig waxa uu dhacayaa bisha June ee soo aaddan, waxaana la fahansan yahay in daafacan lagu soo iibsan karo lacag dhan 53 milyan oo gini ka hor dhammaadka bisha.

Manchester United ayaa si xooggan loola xiriirinayay inay suurtogal tahay isbuucyadii dhowaa inay la soo wareegaan, laakiin sida laga soo xigtay Tuttosport, Arsenal ayaa xaqiijisay inay heshiis la gaartay xiddiga reer France.

Warbixinta ayaa sheegeysa in AC Milan ay u dhaqaaqday Upamecano, laakiin si dhaqso leh loogu wargaliyay Leipzig in daafaca dhexe ee awoodda badan uu ku sii jeedo garoonka Emirates ka hor kal ciyaareedka 2020-21.

Xiddiga reer France ee da’doodu ka hooseyso 21-sano jirrada ayaa saftay 25 kulan oo horyaalka Bundesliga ah xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu seegay kulankii ugu dambeeyey ee kooxdiisu ay la ciyaartay Hoffenheim, isagoo ganaax ku maqnaa.

William Saliba oo laga soo qaatay kooxda Saint-Etienne xagaagii hore ka hor inta uusan amaah ugu dhaqaaqin France ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu si rasmi ah u yimaado kooxda ka dhisan Magaalada London ka hor xilli ciyaareedka soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close