Real Madrid oo guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Eibar garoonka Alfredo Di Stefano… +SAWIRRO

(Madrid) 14 Juun 2020. Real Madrid ayaa guul kaga gaartay kooxda Eibar garoonka Alfredo Di Stefano kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 3-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid.

Daqiiqadii 4-aad Real Madrid ayaa hogaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga reer Germany ee Toni Kroos.

Markale kooxda Real Madrid ayaa dhalisay gool daqiiqadii 30-aad, kaddib markii uu 2-0 ka dhigay Sergio Ramos, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Eden Hazard.

Daqiiqadii daqiiqadii 37-aad kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa sii dheereereysatay hogaaminta ciyaarta, waxaana 3-0 dheesha ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Marcelo.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 60-aad kooxda kubadda cagta Eibar ayaa la timid gool, waxaana 3-1 dheesha ka dhigay Pedro Bigas, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Pablo De Blasis.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-1 ay ku adkaatay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid, kulankooda koowaad ee horyaalka La Liga, kaddib markii la go’aamiyay in dib loo ciyaaro.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close