Dhowr xaqiiqo oo laga diiwaan geliyey guushii ay xalay Kooxda Barcelona ka gaartay Real Mallorca

(Mallorca) 14 Juun 2020. Barcelona ayaa xalay guul ka soo heshay kooxda Mallorca oo ay ku booqatay garoonka de Son Moix kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-4.

Goolasha afarta ah waxaa kala dhaliyey afar ciyaaryahan oo kala duwan waxaana ay kala yihiin; Arturo Vidal, Martin Braithwaite, Jordi Alba iyo Lionel Messi.

Haddaba halkaan hoose ka eeg rikooro kulankan laga diiwaan geliyey:-

>- Arturo Vidal waxa uu u baahday kaliya 65 ilbiriqsi si uu gool u dhaliyo dib ugu soo laabashada kooxda Barcelona ee horyaalka La Liga.

>- Arturo Vidal ayaa haatan dhaliyey goolkiisii 7-aad ee horyaalka kal ciyaareedkan, waana goolashii ugu badnaa ee kulammada horyaalka uu ka dhaliyo hal xilli ciyaareed tan iyo fasal ciyaareedkii 2014/15 oo kooxda Juventus uu sidoo kale horyaalka u
dhaliyey 7 gool.

>- Martin Braithwaite ayaa dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey ee Kooxda Barcelona kaddib caawin uu ka helay Lionel Messi.

>- Martin Braithwaite waxa uu noqday ciyaaryahankii saddexaad ee Danish ah oo kooxda Barcelona gool u dhaliya horyaalka La Liga taariikhda kaddib Michael Laudrup (39 gool) iyo Allan Simonsen (31 gool).

>- Lionel Messi waa ciyaaryahanka kaliya ee dhaliyey 20 gool iyo wax ka badan 12 xilli ciyaareed oo xiriir ah horyaalka La Liga:-

✓ 08/09 (23 gool)
✓ 09/10 (34 gool)
✓ 10/11 (31 gool)
✓ 11/12 (50 gool)
✓ 12/13 (46 gool)
✓ 13/14 (28 gool)
✓ 14/15 (43 gool)
✓ 15/16 (26 gool)
✓ 16/17 (37 gool)
✓ 17/18 (34 gool)
✓ 18/19 (36 gool)
✓ 19/20 (20 gool…)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close