Arsenal iyo Chelsea oo ku tartamaya saxiixa goolhaye ay leedahay Koox ka ciyaarta horyaalka Premier League

(London) 14 Juun 2020. Kooxaha reer London ee Arsenal iyo Chelsea ayaa ku tartamaya saxiixa goolhayaha ay milkiyaddiisa leedahay kooxda ka ciyaarta horyaalka Premier League ee Southampton.

Arsenal iyo Chelsea ayaa labaduba ka fiirsanaya inay u dhaqaaqaan goolhayaha Kooxda Southampton ee Fraser Forster suuqa xagaagan, sida ay qortay Jariiradda Football Insider.

Labada kooxood ee ka wada dhisan Magaalada London ayaa waxaa haysata dhibaato dhanka goolhayaha ah, waxaana ay doonayaa inay goolhaye Fraser Forster ku xoojiyaan safkooda.

Kooxaha Gunners iyo Blues ayaa tartan adag kala kulmaya Naadiga Celtic, halkaasoo goolhayahan uu xilli ciyaareedkii hore amaah ku qaatay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close