Zidane oo si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka Eibar

(Madrid) 13 Juun 2020. Zinedine Zidane ayaa wuxuu ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa Real Madrid ee kaga qeyb galaya kulanka Eibar ee horyaalka La Liga.

Macalin Zinedine Zidane iyo wiilashiisa ayaa waxay isku diyaarinayaan kulankooda ugu horeeya horyaalka La Liga ay habeen dambe kula ciyaari doonaan Eibar, kaddib markii la go’aamiyey in dib loo ciyaaro xilli ciyaareedka 2019/2020 oo in muddo ah loo joojiyay caabuqa Coronavirus.

Zinedine Zidane ayaa liiskan ugu yeeray 23-ka ciyaaryahan ee kaga qeyb gali doonto kulanka Eibar, balse waxaa liiskan laga waayay oo ka maqan xiddigaha kala ah Lucas Vázquez, Luka Jović, Mariano Diaz iyo Nacho Fernandez.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha kooxda Real Madrid uu ku dhawaaqay tababare Zinedine Zidane, kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka Eibar ee horyaalka La Liga dalka Spain:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close