Muxuu yahay qorshaha Arsenal ay ka leedahay Alexandre Lacazette, xilli mustaqbalkiisa uusan hubanti ahayn?

(London) 13 Juun 2020. Kooxda Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay toddobaadyada soo aaddan weeraryahankeeda Alexandre Lacazette kala hadli doonto mustaqbalkiisa, iyadoo uu xiiso badan ka helayo Naadiga Atletico Madrid ee dalka Spain.

29-sano jirkaan ayaa doonaya inuu helo hubanti ah inuu sii joogi doono kooxda Arsenal, taasoo wajaheysa culeys badan oo ku qotoma shakiga hareeyay mustaqbalka Pierre-Emerick Aubameyang.

Majaladda ESPN ayaa warrineysa in Gunners aysan dooneyn inay lumiyaan labadeeda laacib ee weerarka sida wada jirka ah uga ciyaara, sidaas darteed waxay dardar galinayaan wadahadallo heshiiska loogu kordhinayo laacibkii hore ee Kooxda Lyon.

Heshiisyada labada weeraryahan ee Gunners ay ku joogaan Waqooyiga London waxaa ka harsan hal illaa labo sano, iyadoo Aubameyang qandaraaskiisu uu dhacayo xagaaga 2021-ka, halka Lacazette isna heshiiskiisu uu ku eg yahay sanadka 2022-ka.

Majaladda Isbaanishka ah ee AS ayaa horraan daabacday in Atletico Madrid ay xiiseyneyso saxiixa weeraryahanka Faransiiska ah, iyadoo adeegsaneysa xiddiga ay dhalasho wadaagga yihiin ee Thomas Lemar.

Arsenal ayaa laacibkan bartilmaameed ka dhiganeysay xilligii uu ku sugnaa kooxda AS Monaco, hase ahaatee, xagaagii 2018 ayaa heshiiskiisa lagu garaacay kaddib markii uu doortay ku biirista kooxda ka ciyaarta La Liga.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda ku ciyaarta garoonka Emirates Stadium ayaa ka feejigan inay lumiso labadeeda weeraryahan, waxaana hadda ay durba diyaarineysaa wada hadallo ay heshiiska ugu kordhineyso Alexandre Lacazette si ay u xaqiijiyaan inuu waqti badan la sii joogo kooxda uu hoggaamiyo Macallin Mikel Arteta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close