Kooxda Real Madrid oo indhaha ku haysa labo xiddig oo ka tirsan Manchester City

(Liverpool) 13 Juun 2020. Sida wararku ay tilmaamayaan kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa indhaha ku haysa labo xiddig oo muhiim ah kuwaasoo ka tirsan naadiga reer England ee Manchester City.

Los Blancos ayaa indhaha ku haysa inay la saxiixato labada ciyaaryahan ee kooxda Manchester City ee Sterling & De Bruyne.

Warsida Don Balon ayaa warinaya in Kooxda Real Madrid ay ka fiirsaneysa inay xagaaga u dhaqaaqdo labada xiddig ee aadka loo qiimeeyo ee Naadiga Manchester City, Raheem Sterling iyo Kevin de Bruyne.

Waxaa la soo jeediyay in labadan xiddig ay ka tagi karaan garoonka Etihad, haddii uu guuldareysto racfaanka Sky Blue ee labada xilli ciyaareed looga ganaaxay tartanka Champions League.

Real Madrid ayaa isha ku heysa xaaladda, waxayna u muuqan kartaa inay keenaan Sterling iyo De Bruyne marka suuqa kala iibsiga xiddigaha dib loo furo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close