Kooxda PSG oo si rasmi ah u go’aamisay mustaqbalka xiddigaheeda Thiago Silva iyo Edinson Cavani

(Paris) 13 Juun 2020. Kooxda kubadda cagta ee Paris Saint-Germain ayaa si rasmi ah u go’aamisay mustaqbalka ciyaartoydeeda kala ah Thiago Silva iyo Edinson Cavani.

Paris Saint-Germain ayaa si rasmi ah u shaacisay in xilli ciyaareedka haatan socda uu yahay kii ugu dambeeyay xiddigaha Thiago Silva iyo Edinson Cavani ee kooxda, kaddib guulo cajiib ah ay la gaareen PSG.

Waxaa arrintan xaqiijiyay agaasimaha ciyaaraha ee kooxda PSG Leonardo, in xilli ciyaareedkan uu yahay kii ugu dambeeyay Thiago Silva iyo Edinson Cavani ee garoonka Parc des Princes.

Thiago Silva ayaa u soo ciyaaray kooxda Paris Saint-Germain tan iyo xilli ciyaareedkii 2012 markaas oo uu kaga soo dhaqaaqay naadiga AC Milan, wuxuuna u ciyaaray 205 kulan tartamada oo dhan.

Dhinaca kale Edinson Cavani ayaa kula soo biiray Thiago Silva kooxda Paris Saint-Germain sanad kaddib gaar ahaan sanadkii 2013, wuxuuna ku guuleystay inuu soo bandhigo qaab ciyaareed cajiib ah, isagoo dhaliyay 138 gool, kaddib 200 kulan uu kaga soo muuqday tartamada oo dhan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close