Kooxda Liverpool oo qarka u saaran inay Manchester United ku garaacdo saxiixa Jadon Sancho

(Liverpool) 13 Juun 2020. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la soo warinayaa inay qarka u saaran tahay inay Manchester United ku garaacdo Jadon Sancho.

Reds ayaa si weyn ugu dhow inay Man United kaga adkaato saxiixa xiddiga naadiga Dortmund ee Jadon Sancho.

Sida uu warinayo Warsidaha Le 10 Sport, Liverpool ayaa diyaar u ah inay dhammeystirto saxiixa Jadon Sancho oo ay kala soo wareegeen kooxda Borussia Dortmund xagaagan.

Manchester United ayaa si xooggan loola xiriirinayay xiddiga garabka ka ciyaara ee reer England bilooyinkii dhowaa, laakiin Reds ayaa haatan ku habboon inay ku garaacdo kooxda ay ku xafiiltamaan saxiixiisa.

Sancho ayaa dhaliyey 20 gool 40 kulan oo uu xilli ciyaareedkan u saftay kooxdiisa Borussia Dortmund, halka sidoo kale uu sameeyey 20 caawin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close