Barcelona oo guul muhiim ah ka soo heshay kooxda Mallorca oo ay booqatay… +SAWIRRO

(Spain) 14 Juun 2020. Barcelona ayaa guul ka soo heshay kooxda Mallorca oo ay ku booqatay garoonka de Son Moix kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-4.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Barcelona.

Daqiiqadii 2-aad ee bilawgii ciyaarta Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay xiddiga reer Chile ee Arturo Vidal, waxaana goolkan si qurux badan kaga caawiyay saaxiibkiis Jordi Alba.

Markale daqiiqadii 37-aad Barcelona ayaa dhalisay gool labaad, waxaana 0-2 ka dhigay Martin Braithwaite, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Lionel Messi.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 79-aad kooxda Barcelona ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta, kaddib markii uu 0-3 ka dhigay Jordi Alba, iyadoo uu caawinta goolkan lahaa Lionel Messi.

Lionel Messi ayaa soo xiray bandhiga goolasha ee kooxda Barcelona wuxuuna daqiiqadii 90-aad dheesha ka dhigay 0-4 ay ku hoggaamineysay naadiga Barca.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-4 ay ku adkaatay kooxda martida aheyd ee Barcelon, kulankooda koowaad ee horyaalka La Liga, kaddib markii la go’aamiyay in dib loo ciyaaro.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close