“Pogba waa mid ka mid ah ciyaartooyda ugu fiican adduunka, taasna waa waxa ay u baahan tahay Man United” – Louis Saha

(Manchester) 12 Juun 2020. Xiddigii hore kooxda Manchester United ee Louis Saha ayaa sheegay in saaxiibkiis ay isku wadanka ka soo wada jeedaan ee Paul Pogba uu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka, wuxuuna carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la taageero.

Wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay xiddigii hore kooxda Manchester United ee Louis Saha, waxaana uu yiri:

“Paul Pogba waa mid ka mid ah ciyaartooyda ugu fiican adduunka”.

“Pogba wuxuu soo maray xilli ciyaareed aad u adag kaddib markii uu soo gaaray dhaawac, wuxuuna soo laabtay isagoo aad u xoogan”.

“Markii aan khadka taleefanka kula hadlay isaga, aad ayuu u dhiiragelinayey, sidaas darteed runtii waxaan doonayaa inaan arko nooc cusub oo Pogba ah”

“Uma maleynayo inuu horey heystay, balse hadda Pogba wuxuu heystaa oo ka garab ciyaarayo Bruno Fernandes, kaasoo isna lagu tiriyo inuu yahay hoggaamiye hal abuurnimo leh”.

I really want to watch Pogba & Fernandes,' says Louis Saha

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan arko iyagoo wadaagaya mas’uuliyadaha, waxaana runtii doonayaa inaan arko kooxdan”, ayuu yiri Louis Saha.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close