“Marcus Rashford wuxuu ku guuleysan doonaa abaal-marinta Ballon d’O” – Luke Shaw

(Manchester) 11 Juun 2020. Daafaca garabka bidix ee kooxda Manchester United ee Luke Shaw ayaa u sharaxay saaxiibkiis Marcus Rashford inuu maalin uun ku guuleysan doono abaal-marinta Ballon d’Or.

Dhinaca kale Luke Shaw ayaa tilmaamay in saaxiibkiis Marcus Rashford uu horumar badan sameeyay shaqsi ahaan iyo farsamo ahaanba.

Marcus Rashford oo 22 jir ah ayaa qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigay xilli ciyaareedkan kahor inta uusan dhaawacmin, isagoo dhaliyay 19 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 6 gool kale, kaddib 31 kulan uu kaga soo muuqday maaliyada Red Devils.

Haddaba Luke Shaw ayaa wareysi uu ku bixiyay website-ka rasmiga ah ee kooxda Manchester United, wuxuu ku sheegay:

“Marcus Rashford wax badan ayuu fiicnaaday, tan iyo kulankiisa ugu horeeyay uu ka soo muuqday kooxda Manchester United, kaliya ma ahan gudaha garoonka ee sidoo kale garoonka banaankiisa”.

“Si fiican ayuu u ogyahay inuu leeyahay awooda ka dhigi karta inuu noqdo kan ugu fiican, isla markaana wuxuu mar walba naftiisa ku cadaadiyaa si uu u gaaro heerkan”.

“Haddii uu Rashford sii wado inuu horey u riixo naftiisa, isla markaana uu si joogta ah u sii hormariyo heerkiisa, wuxuu awoodi doonaa inuu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or maalin uun”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close