“Ma fileynin in Maxamed Saalax uu heerkan gaari doono” – Xiddig hore oo kooxda Chelsea ah

(Yurub) 10 Juun 2020. Laacibkii hore kooxda kubadda cagta Chelsea ee John Obi Mikel ayaa ka hadlay xiddiga naadiga Liverpool ee Maxamed Saalax iyo sida cajiibka ah uu ugu horumaray heerka uu hada gaaray,

John Obi Mikel ayaa wuxuuna si cad u sheegay inuusan fileynin  in saaxiibkiisa reer Masar ee Maxamed Saalax uu noqon doono sida uu hadda yahay.

John Obi Mikel ayaa wareysi uu bixiyay dhawaantan wuxuu ku kaga hadlay Maxamed Saalax, wuxuuna yiri:

“Markii uu Saalax yimid London, wuxuu ahaa wiil da’ayar ah, laakiin wuxuu lahaa shaqsiyad cajiib ah oo ka dhigtay in qof walba uu jeclaado isaga”.

John Obi Mikel reveals how Chelsea squad felt about Mohamed Salah ...

“Waxaan aheyn saaxiibo dhow, waan wada sheekeysanay, in badan waan kaftanay wuxuu ahaa saaxiib wanaagsan”.

Arinta ku saabsan in Maxamed Saalax uu ka mid noqday xiddigaha ugu fiican horyaalka Premier League wuxuu John Obi Mikel sharaxay inuu aaminay horumarka laacibka da’ayarka ah, laakiin kama uusan fileynin inuu gaarayo heerkiisa haatan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close