Arsenal oo ka mid ah shan kooxood oo ka wada dheela Premier League, kuwaasoo wada doonaya saxiixa Kabtanka PSG ee Thiago Silva

(London) 10 Juun 2020. Shan kooxood oo ka dheela horyaalka Premier League oo ay ku jirto kooxda Arsenal ayaa la soo warinayaa inay wada doonayaan saxiixa daafaca Naadiga Paris Saint-Germain ee Thiago Silva.

Kaddib siddeed sano oo uu ku sugnaa garoonka Parc des Princes, Silva ayaa si xor ah lagu heli karaa maadaama uusan qandaraaskiisa u cusbooneysiinaynin kooxda difaacaneysa horyaalka Ligue 1.

Inkastoo uu saddex bilood kaddib uu 36-sano jirsan doono ayaa haddana shabakadda 90 min waxa ay sheegaysaa in kooxo badan oo Ingiriis ah ay xiiseynayaan xiddigan reer Brazil.

Arsenal ayaa la sheegay inay ka mid tahay liiska kooxaha doonaya, iyadoo Macallin Mikel Arteta uu eegayo qaabab lagu horumariyo xulashooyinka daafaca ee kooxdiisa.

Kaddib markii uu ka soo hoos shaqeeyey Tababare Carlo Ancelotti, Kooxda Everton waxaa loo arkaa inay tahay meel kale oo macquul ah oo uu imaan karo daafacan dhexe ee halyeeyga ah.

Wolverhampton Wanderers, Newcastle United iyo West Ham United ayaa sidoo kale la sheegay inay kormeerayaan xaaladda daafacan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close