Man United iyo Chelsea oo ku tartamaya saxiixa Federico Chiesa oo ka tagi kara Fiorentina… (Kooxdee ku horreysa tartankiisa?)

(Yurub) 09 Juun 2020. Federico Chiesa ayaa la sheegay inuu ka tagi karo Fiorentina, iyadoo kooxaha reer England ee Manchester United iyo Chelsea ay ku tartamayaan saxiixiisa.

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo sheegayaa inay ku dhowdahay Weeraryahanka naadiga Fiorentina ee Federico Chiesa, sida uu warinayo Warsidaha Quotidiano.

Chelsea ayaa sidoo kale xiiseyneysa ciyaaryahankan lagu qiimeeyo adduun dhan 60 milyan gini oo u dhiganta 75 milyan oo dollar.

Milkiile Rocco Commisso ayaa sheegaya in xiddiga garabka ka ciyaara ee Federico Chiesa uu kaga tagi karo Kooxda Fiorentina qiimaha saxda ah inta lagu jiro suuqa kala iibsiga soo socda.

Tan iyo markii uu xirfaddiisa sare ku soo noqday Viola, 22-sano jirkaan ayaa dhaliyay 29 gool 139 kulan oo uu saftay tartammada oo dhan, soo laabashadaas oo sidoo kale ka dhigtay inuu aqoonsi caalami ah ka helo Talyaaniga.

Chiesa, kaasoo heshiiskiisa haatan uu kaga harsan yahay labo sanadood ayaa hore u soo jeediyay inuu diyaar u yahay inuu sii joogo Magaalada Florence hal xilli ciyaareed oo kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close