Liverpool oo heshiis cusub ka saxiixanaysa mid ka mid ah xiddigaheeda, kaasoo ogolaaday inuu mushahar dhimis sameeyo

(Liverpool) 09 Juun 2020. Kooxda kubadda cagta Liverpool ee ka dhisan Waddanka Ingiriiska ayaa la soo warinayaa inay heshiis cusub ka saxiixanayso mid ka mid ah xiddigaheeda.

Adam Lallana ayaa la soo sheegayaa inuu qarka u saaran yahay inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo kooxda hoggaaminaysa haatan horyaalka Premier League ee Liverpool.

Xiddiga xulka qaranka England ee Adam Lallana ayaa qarka u saaran inuu qalinka warqadda dul-dhigo heshiiskana u kordhiyo kooxdiisa Liverpool, sida ay warinayso Jariiradda The Independent.

32-sano jirkaan ayaa diyaar u ah inuu mushahar dhimis sameeyo, iyadoo faafaha Coronavirus uu saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha kubadda cagta, waxaana lagu wadaa inuu sii joogo garoonka Anfield, maadama uu macallin Jurgen Klopp la dhacay hab dhaqankiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close