Lionel Messi oo laabta u qaboojiyey taageerayaasha kooxda Barcelona

(Spain) 09 Juun 2020. Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa laabta u qaboojiyey taageerayaasha kooxda Barcelona, kahor kulanka Real Mallorca ay kula ciyaarayaan Sabtida horyaalka La Liga, maadaama la ogolaaday in dib loo ciyaaro horyaalka.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain Lionel Messi ayaa wuxuu kaga qeyb qaatay tababarka kooxda Barcelona si dabiici ah, maalintii labaad oo xiriir ah.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Messi uu u muuqdo inuu ka soo kabsaday dhaawacii muruqa ka soo gaaray, kaasoo sababay in tababarka kooxda uu ka maqnaado in ka badan hal maalin.

Wargeyska ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in Nélson Semedo uu sidoo kale si caadi ah kaga qeyb qaatay tababarka guud ee kooxda Barcelona maanta , kaddib markii uu ka soo kabtay dhaawacii uu qabay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close