Kooxda AC Milan oo bartilmaameedsanaysa Weeraryahankii hore ee Manchester United

(Milan) 09 Juun 2020. Kooxda kubadda cagta AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa la soo warinayaa inay bartilmaameed ka dhiganayso Weeraryahankii hore ee Manchester United, Memphis Depay.

Sida uu warinayo Warsidaha Calciomercato Weeraryahanka hadda ka tirsan Kooxda Lyon ee Memphis Depay ayaa xiiso ka helaya Naadiga AC Milan ee ka dhisan dalka Talyaaniga.

Memphis Depay oo hadda ka tirsan kooxda reer France ee Lyon ayaa horay ugu soo fashilmay Naadiga reer England ee Manchester United, balse waxa uu hadda wacdaro ka dhigayaa horyaalka Ligue 1.

Kooxda OL la yiraahdo waxay ku dhibtooneysaa inay heshiis cusub la gasho ciyaaryahankan oo uu qandaraaskiisu dhacayo sanadka 2021-ka, taasna waxay u arkeysaa inuu xagaagan ka tagayo.

Naadiga Everton ee ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa sidoo kale xiisaynaysa saxiixa xiddigan Memphis Depay, iyadoo doonaysa inay dib ugu soo celiso dalka Ingiriiska.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close