Macallin Quique Setien oo ka war bixiyay xaaladda dhaawac ee Lionel Messi

(Barcelona) 08 Juun 2020. Tababaraha kooxda Barcelona ee Quique Setien ayaa muujiyay inuusan ka walwalsanayn xaaladda weeraryahankiisa Lionel Messi.

Kabtanka Barcelona ayaa muddooyinkii dambe si gaar ah u sameynayay tababarka, iyadoo lagu soo warramayay inuu jiro dhaawac dhanka muruqa ah.

Macallin Setien ayaa hoosta ka xarriiqay in kaliya Messi uusan ahayn ciyaartoyda gaarka tababarka u sameysay, maadaama dhammaan xiddigaha ay dareemayeen xoogaa xanuunno jirka ah.

“Leo xanuun wuu dareemay, balse ma uusan ahayn mid saameyn xambaarsan” ayuu macallinka Barca u sheegay barnaamujka Movistar.

“Waxay ila tahay inuu hadda yahay mid caafimaad ahaan taam ah, dhibaatana uusan qabi doonin.

“Waa la mid ciyaartoyda kale oo dhan. Waan arkeynaa sida uu horyaalka u socdo, iyo waxyaabaha ka yimaada.

“Waxaan nagu soo fool leh kulammo dhowr ah, safkeennana waa uu yar yahay. Had iyo jeer waxaan doonayaa inaan Messi garoonka ku heysto, dabcan.” ayuu hadalkiisa ku daray Macallin Quique Setien.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa dhowaanahan shaki laga galinayay safashada kulanka ugu horreeya ee dib u soo laabashada La Liga oo ay booqan doonaan kooxda Real Mallorca, maadaama uu tababarka kooxda ka baxay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close