David Silva oo helay dalabkii ugu horreeyay xilli uu xagaagan si xor ah kaga tagayo kooxda Manchester City

(Manchester) 08 Juun 2020. Halyeyga ka ciyaarista khadka dhexe ku gaamuray ee David Silva ayaa xagaagan isaga tagaya kooxda Manchester City oo uu 10-kii sano ee ugu dambeeyay u ciyaarayay, waxaana hadda uu helay yaboohii ugu horreeyay kaddib waayihiisa Premier League.

Wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska ayaa warinaya in laacibka heshiiskiisu dhammaadka yahay uu yabooh ka helay koox ka dhisan dalka Qatar.

Sida laga soo xiganayo majaladda The Mirror, kooxda Al-Duhail oo hoggaamineysa kala sarraynta horyaalka dalka Qatar ay dooneyso saxiixa Silva, waxaana wakiilkiisa ay ku wargaliyeen damacooda ah inay saxiixiisa ku garaacaan kooxaha kale ee doonaya, iyagoo adeegsanaya awood dhaqaale.

34-jirkan ayaa horraan xiiso badan ka helayay kooxo ka kala dhisan dalalka Spain iyo Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in dalka Qatar uu ka jiro xiiso badan oo ku qotoma sare u qaadidda darajadoodam ciyaarta kubadda cagta, xilli uu ku soo fool leeyahay Koobka Adduunka ee 2022 oo ay iyagu marti galinayaan.

Kooxda Al-Duhail ayaa aaminsan in Silva qaab ciyaareedkiisa wanaagsan ay ka faa’ideysan karaan inta xirfaddiisa ka dhimman.

Heshiiska laacibka reer Spain ayaa eek u joogo garoonka Etihad Stadium ayaa dhacaya 30-ka bishan Juun, balse waxaa lagu soo warramayaa inuu heshiiskiisu ku kordhin doono muddo gaaban oo ku eg inta uu xilli ciyaareedka ka dhammaanayo.

Dib u dhacaas ayaa ka saacidaya Man City inay sii heystaan Silva si ay guulo uga keenaan tartammada Champions League iyo FA Cup.

Kubbad sameeyahan ayaa ka mid ahaa xiddigihii ugu muhiimsanaa ee soo mara Citizens tan iyo 2010 xilligaas oo ay Valencia kaga soo qaateen 26 milyan oo Gini, waxaana uu kula guuleystay afar horyaal oo Premier League ah, labo FA Cup iyo koobka League Cup oo uu afar jeer la qaaday.

Silva ayaa sidoo kale ah halyey qaran maadaama xulka qaranka Spain uu kula guuleystay Koobka Adduunka sanadkii 2010, sidoo kalena sanadihii 2012 iyo 2008 ayuu la qaaday koobka qarammada qaaradda Yurub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close