Alan Shearer oo ka hadlay wararka sheegaya in Chelsea ay ku dhowdahay soo xerogalinta Timo Werner

(England) 08 Juun 2020. Halyeyga kubadda cagta England ee Alan Shearer ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Chelsea ay ku dhowdahay soo xerogalinta ciyaaryahanka kooxda RB Leipzig ee Timo Werner.

Dhinaca kale Alan Shearer ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in kooxda eer London ee Chelsea ay muhiim tahay inay u soo baxdo tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Shearer ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “The Sun” ee dalka England wuxuu kaga hadlay raacdada ay kooxda Chelsea ugu jirto saxiixa Timo Werner, kaddib markii ay la soo wareegtay Hakim Ziyech, taasoo uu ku tilmaamay inay la micno tahay in kooxda ay heli karto laba xiddig heer sarre ah ka hor inta uusan furmin suuqa kala iibsiga.

Haddaba Halyeyga kubadda cagta England ee Alan Shearer ayaa inta uu ku gudi jiray wareysigan wuxuu yiri:

“Waan hubaa inay jiraan ciyaartooy sidoo kale imaanaya kooxda, iyadoo Ben Chilwell uu bar-tilmaameed u yahay kooxda”.

“Laakiin ciyaartooydan waxay rajeynayaan inay ka ciyaaraan tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedka soo socda, marka waa lagama maarmaan in kooxda ay dhameystirto ujeedkeeda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close