Tababare Quique Setién oo ka hadlay xaalada soo kabasho ee Luis Suarez, kaddib dhaawacii soo gaaray

(Barcelona) 07 Juun 2020. Tababaraha reer Spain iyo kooxda Barcelona ee Quique Setién ayaa ka warbixiyay xaalada soo kabasho ee Luis Suarez, kaddib dhaawacii uu qabay in mudo ah.

Luis Suarez ayaa helay ogolaansho caafimaad si uu uga qeyb galo kulamada kooxdiisa Barcelona xilliyada soo socda, kaddib markii uu kaga maqnaa garoomada waqti dheer, sababa la xiriira dhaawac soo gaaray.

Haddaba Tababare Quique Setién ayaa wareysi uu bixiyay waxaa soo xigtay wargeyska “Sport” ee dalka Spain waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Luis Suarez wuxuu heystaa waqti dheeri ah oo uu kaga soo kaban karo dhaawiciisii si uu markale u dagaalamo”.

“Suarez wuxuu ku jiraa waqtigiisii ugu fiicnaa ee xilligan, waana arki doonaa sida uu uga dhex muuqan doono kulamada marka aan ciyaareyno kulamada ugu horeeya”.

“Laakiin waxaan hubaa inuu si dhaqso ah dib ugu soo laaban doono qaab ciyaareedkisia, isla markaana uu meel sare ku gaari doono labo ama saddex kulan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close