Kooxda Liverpool oo la xiriirtay Wolves si ay ugala hadashado saxiixa mid ka mid ah xiddigaheeda

(Liverpool) 07 Juun 2020. Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay la xiriirtay kooxda Wolverhampton Wanderers si ay ugala hadlaan suurtogalnimada ay ku heli karto adeegga Adama Traore inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Reds ayaa si xooggan loola xiriirinayay xiddigii hore ee Barcelona isbuucyadii la soo dhaafay, waxaana la fahamsan yahay in macallinka kooxda Merseyside-ka ee Jurgen Klopp inuu shaqsi ahaan ula xiriiray 24-sano jirkaan.

Sida laga soo xigtay The Mirror, kooxda haysata horyaalnimada Yurub ee Liverpool ayaa haatan u dhaqaaqeysa ‘Traore’, iyagoo ula soo xiriiray Wolves si ay u weydiiyaan su’aalo rasmi ah xilli ay isku dayayaan inay heshiis la gaaraan xagaaga.

Xiddigii hore ee xulka 21-sano jirrada Spain ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Wolves intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2019-20, isagoo dhaliyay lix gool, isla markaana diiwaangeliyay 10 caawin 43 kulan oo uu saftay tartammada oo dhan.

Liverpool 'approach Wolves to discuss Traore deal'

Liverpool ayaa si joogta ah loola xiriirinayay xiddigaha RB Leipzig ee Timo Werner isbuucyadii u danbeeyay, iyagoo isku dayaya inay horumariyaan qaab ciyaareedkooda weerarka, laakiin hoggaamiyaasha Premier League ayaa u muuqda inay guuldarro ka soo gaartay Chelsea tartanka loogu jiray xiddiga Jarmalka.

Qandaraaska uu haatan Traore kula joogo garoonka Molineux ayaa socon doona ilaa xagaaga 2023-ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close