RASMI: Xeerka baddellada ciyaartoyda ee horyaalka Serie A oo si ku meel gaar ah wax looga baddelay

(Italy) 06 Juun 2020. Xiriirka kubadda cagta dalka Talyaaniga ee loo soo gaabiyo FIGC ayaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan u ogolaaday kooxaha Serie A inay isticmaali karaan shan baddel kulankiiba.

Guddiga caalamiga ah ee xiriirka kubadda cagta, International Football Association Board (IFAB) ayaa horraan ansaxiyay inay kooxaha horyaallada Yurub isticmaali karaan shan baddel kulankiiba taasoo ka caawineysa ciyaartoyda inay isticmaalaan tammar kooban maadaama bilooyin ay ku jireen bandowga uu sababay xanuunka dunida aafeeyay ee coronavirus.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka kubadda cagta dalka Talyaaniga ee FIGC ayaa bayaankooda ku xaqiijiyay in kaliya saddex jeer ay ay baddel sameyn karaan kooxaha, marka laga reebo waqtiga nasiinnada.

Haddii ay dhacdo in labada koox ay hal waqti baddel wada sameeyaan, waxaa loo xisaabin doonaa mid ka mid ah saddexdii mar ee lagu xaddiday inay baddel sameyn karaan.

Dhinaca kalena, kooxaha ciyaaraya tartanka Coppa Italia ayaa isticmaali kara afar baddel haddii ciyaarta lagu daro waqti dheeri ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close