Manchester United oo dooneysa in Real Madrid ay ku garaacdo saxiixa xiddig muhiim ah

(Manchester) 05 Juun 2020. Manchester United ayaa kor kala socota mid ka mid ah xiddigaha sida aadka ah lala xiriirinayo inay ku biirayaan kooxda kubadda cagta ee Real Madrid, marka la gaaro suuqa kala iibsiga ee xagaaga.

Red Devils ayaa qeyb ka noqotay loolanka loogu jiro adeega xiddiga kooxda Bayer Leverkusen ee Kai Havertz, kaasoo ay doonayaan inta badan kooxaha waa weyn ee qaarada Yurub.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Manchester Evening News” kooxda Manchester United ayaa waxay qeyb ka noqotay kooxaha rajeynaya inay ku guuleystaan helitaanka adeega Kai Havertz.

Man Utd may have to make Kai Havertz transfer promise after Real ...

Kai Havertz ayaa xilli ciyaareedkan soo bandhigay qaab ciyaareed aad u fiican, wuxuuna xaqiijiyey tayadiisa wanaagsan dhowrkii kulan uu kooxda Bayer Leverkusen kaga soo muuqday horyaalka Bundesliga.

Havertz ayaa dhaliyay 5 gool, kaddib 4 kulan uu kaga soo muuqday kooxdiisa Bayer Leverkusen horyaalka Jarmalka tan iyo markii dib loo bilaabay dhaqdhaqaaqa isboortiga oo in mudo ah loo joojiyay sababa la xiriira Coronavirus.

Laakiin si guud Kai Havertz ayaa wuxuu dhaliyay 15 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 8 gool, 38 kulan uu ka soo muuqday kooxda Bayer Leverkusen xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close