Man United oo kula dagaalameysa kooxda ay dariska yihiin ee Man City saxiixa xiddig ka tirsan AC Milan

(Manchester) 05 Juun 2020. Manchester United ayaa qeyb kala noqotay kooxda ay daris wadaaga yihiin ee Manchester City dagaalka loogu jiro adeega xiddiga qadka dhexe kaga ciyaara naadiga AC Milan iyo xulka qaranka Algeria ee Ismaël Bennacer, kaasoo ku soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan kooxda Rossoneri.

Sida laga soo xigtay “Football Italia” kooxda Man United ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu tahay inay dhameystirto heshiiska Ismaël Bennacer oo heshiiskiisa naadiga AC Milan uu gaarayo ilaa iyo 2023, waxaana qandaraaskiisa lagu kansali karaa qiimo dhan 50 million euros.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in kooxda Paris Saint-Germain oo xilli kasta muujisay xiisaha ay u qabto adeega Ismaël Bennacer ayaa waxay ilaa iyo hadda ku raadineysaa qiimo dhan 30 million euros.

Sidoo kale Warbixinta ayaa tilmaamtay in haddii ay koox ku guuleysato inay ka gudbiso Bennacer qiimaha lagu kansali karo qandaraaskiisa, in AC Milan aysan awoodi karin inay sii heysato adeega xiddiga reer Algeria.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close