Luka Modrić oo ka warbixiyay inuu Cristiano Ronaldo qarka u fuulay Mourinho dartiis inuu u Ooyo

(Madrid) 05 Juun 2020. Xiddiga qadka dhexe kooxda Real Madrid ee Luka Modrić ayaa wuxuu shaaca ka qaaday waxa dhex maray Cristiano Ronaldo iyo Jose Mourinho sanadkii 2013.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Luka Modrić, waxaana uu yiri:

“Waxaan ku jirnay kulan Copa del Rey ah, waxaan la yaabay fal-celinta Jose Mourinho, waxaan ciyaarta ku hoggaamineynay 2-0, Ronaldo si fiican uma cadaadinin kooxda naga soo horjeeday”.

“Mourinho wuxuu aad uga xanaaqay Ronaldo, waxaana garoonka dhexdiisa ku dhex maray muran socday mudo dheer”.

“Kaddib markii aan ku soo laabtay qolka labiska inta lagu gudi jiray waqtigii nasashada waxaan arkay Ronaldo oo quus taagan oo ay oohin ku soo istaagtay, wuxuuna yiri, waxaan qabtay wixii aan awooday walina wuu i dhaleeceenayaa”.

“Jose Mourinho wuxuu soo galay qolka wuxuuna bilaabay inuu dhaleeceeyo Ronaldo, labadooda si kulul ayey isugu qeyliyeen, taasoo sababtay in qaar ka mid ah ciyaartooyda ay soo dhex galaan si looga hor tago dagaal dhab ah uu dhex maro iyaga”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close