Arthur Melo oo si cad u sheegay xiddigii ugu adkaa uu wajahay xirfadiisa kubadda cagta

(Barcelona) 05 Juun 2020. Xiddiga qadka dhexe reer Brazil iyo kooxda kubadda cagta Barcelona ee Arthur Melo ayaa si cad u sheegay xiddigii ugu adkaa ee xirfadiisa kubadda cagta uu ka hor yimid.

Arthur Melo ayaa sheegay in kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi uu yahay xiddigii ugu adkaa ee xirfadiisa kubadda cagta uu ka hor yimid.

Dhianca kale Xiddiga qadka dhexe ee reer Brazil ayaa tilmaamay in halyeyga kooxda Barcelona ee Andreas Iniesta uu yahay xiddiga uu kaga daydo kubadda cagta.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday hadalka Arthur Melo, waxaana uu yiri:

“Kulanka ugu weyn kubadda cagta ee Derby ah, waxaan dhihi lahaa kulamada kooxaha Grêmio iyo Internacional ee dalka Brazil, Barcelona iyo Real Madrid oo Spain ah, iyo kulamada ay wada ciyaarayaan Brazil iyo Argentina”.

“Xiddiga aan ku dhiirado waa Andreas Iniesta, sidoo kale Lionel Messi waa xiddigii ugu adkaa ee aan kaga hor imid kubadda cagta” ayuu yiri Arthur Melo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close