“Lacag & Caannimo kuma raacin, saddexleeyda kaliya ee uu dhaliyeyna waxay timid markii uu ishukaansanayey” – Gabadha ay saaxiibka yihiin Isco oo afka furatay

(Madrid) 04 Juun 2020. Gabadha ay saaxiibka yihiin Isco ee Sara Salamo ayaa difaacday xiriirkeeda, iyadoo meesha ka saartay in xiriirkeedu uu caqabad ku noqday, isla markaana uu hoos u dhac ku keenay xiddiga khadka dhexe ee Kooxda Real Madrid.

Isco ayaa dhaliyey saddexleey (hat-trick) kulankii xulkiisa qaranka Spain uu 6-1 ku garaacay Argentina ka hor Koobkii Adduunka 2018, iyada ayaana hadda sheekadaas dib u soo iftiimisay.

“Waan kuu sheegi doonaa wax aan ka fiirsanayay oo aan ku soo qoray Twitter-ka, ka hor inta aanan joojin,” Salamo ayaa sidaas ku sheegtay wareysi ay siisay Jariiradda El Mundo.

“Sidaasi darteed, anigu ma ihi mid saameyn xun ku yeelatay, inkastoo ay dhahaan inuu aniga dartey uu hoos u dhacay qaab ciyaareedkiisa”

“Waa wax aan macquul aheyn.”

Salamo sidoo kale waxay garaacday kuwa sheegaya inay Isco kaliya ku raacday lacagta iyo caannimada, iyadoo sheeganaysa inay horey u ahayd aktarad caan ah oo guuleysatay.

“Waxa uu iila kulmay xirfaddayda darteed,” ayay tiri Salamo.

“Waxaan ka shaqeeyaa ku dhawaad 20,000 mashruuc maalin kasta, waxaanan sameeyaa lacagteyda.

“Haddana wali waan leeyahay sifooyinkaas”

“Waa wax laga xumaado.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close