Federico Valverde oo heshiis la galay shirkad cusub

(Madrid) 03 Juun 2020. Laacibka khadka dhexe kaga ciyaara kooxda Real Madrid ee Federico Valverde ayaa heshiis la galay shirkadda wakiillada Mareykanka ee Wasserman.

Shirkaddan ayaa heysata wakiilnimada xiddigo waaweyn oo ka ciyaara Premier League sida Virgil van Dijk, Jordan Henderson, Jamie vardy iyo Riyad Mahrez, waxay sidoo kale wakiil u yihiin laacibka kooxda Barcelona ee Clement Lenglet.

Federico Valverde ayaa sidaas darteed soo idleeyay la shaqeynta wakiillada reer Uruguay ee kala ah Gerardo Rebajda iyo “El China” Lasalvia, kuwaasoo ka caawiyay heshiiska Los Blancos uu kula jiro ee gaaraya illaa sanadka 2025.

Shirkadda Wasserman waxaa madax u ah wakiilka lagu magacaabo Ryan Harper, kaasoo heshiisyada xiddigan kala shaqeyn doona gabadha saaxiibaddiisa ah ee Mina Bonino.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close