Berbatov oo ka hadlay booska ay ku dhameysan karto Man United xilli ciyaareedkan, kaddib soo laabashada Pogba

(London) 03 Juun 2020. Weeraryahankii hore kooxda kubadda cagta Manchester United ee Dimitar Berbatov ayaa sheegay in dib u soo laabashada xiddiga reer France ee Paul Pogba ay ku riixi karto Red Devils inay kaga dhameysato booska afaraad ee loogu soo gudbo tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Dimitar Berbatov ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “Goal” wuxuu kaga hadlay muhiimada uu Paul Pogba u leeyahay kooxda Manchester United, wuxuuna yiri:

“Soo laabashada Paul Pogba ayaa ku riixeysa Manchester United inay ku dhameysato xilli ciyaareedka kaalinta afaraad”.

“Waxa ugu halista badan ayaa ah inuusan ciyaarin muddo dheer, sidaasi darteed waxaan rajeynayaa inuu diyaar u yahay 100% uuna taam u yahay inuu ka qeybqaato”.

“Xaqiiqdi ma hubo, sababtoo ah ka soo laabashada dhaawaca dheer waxay saameyn ku yeelan kartaa qaab ciyaareedkaaga xoogaa, laakiin waa arrin xiiso leh inaan arko wadajirka Paul Pogba iyo Bruno Fernandes, maadaama aysan wada ciyaarin tan iyo markii uu yimid xiddiga reer Portugal kooxda Manchester United bishii Janaayo ee lasoo dhaafay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close