Taageerayaasha Real Madrid oo cod ku go’aamiyey kooxda ku guuleysan karta horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan

(Spain) 02 Juun 2020. Inta ugu badan taageerayaasha kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa waxay aaminsan yihiin koobka horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan 2019/2020, in loo caleemo saari doono naadiga Barcelona.

Horyaalka La Liga ayaa markale la filayaa in dib loo ciyaari doono 11-ka bisha June ee soo socota, waxaana la filayaa in lasoo gabagabeyn doono 19-ka July, sida uu xaqiijiyey madaxweynaha La Liga ee Javier Tebas.

Real Madrid ayaa iska lumisay fursad ay ku hoggaamin laheyd mis kala sarreynta La Liga kaddib markii ay guuldarro ka soo gaartay kooxda Real Betis wareegii ugu dambeeyay ka hor inta kubadda cagta aan loo joojin sababa la xiriira caabuqa Coronavirus, Los Blancos ayaa hadda Barcelona ka dambeysaa labo dhibcood, waxaana wali ka harsan 11 kulan si loo dhaleystiro horyaalka.

Haddaba wargeyska “Marca” ee dalka Spain oo aad ugu dhow naadiga Real Madrid ayaa wuxuu sameeyay cod uruurin ku saabsan kooxda ugu dhow ee ku guuleysan karta horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Yeelkeede, Taageerayaasha Real Madrid ayaa waxay 56% u codeeyeen in xilli ciyaareedkan hoyaalka La Liga loo caleemo saari doono naadiga Barcelona, halka 44% ay aaminsan yihiin in kooxdooda ay ku guuleysan karto.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close