Muxuu ka yiri Jordi Alba wararka shegaya in Neymar Jr uu dib ugu soo laabanayo Barcelona?

(Barcelona) 02 Juun 2020. Daafaca bidix ee kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain ee Jordi Alba ayaa ka aragti dhiibtay suurtogalnimada uu Neymar Jr dib ugu soo laaban karo Blaugrana mar kale.

Neymar Jr oo haatan 28 jir ah ayaa ka tagay kooxda Barcelona sanadkii 2018, wuxuuna ugu biiray naadiga Paris Saint-Germain qiimo dhan 222 million euros.

Haddaba Jordi Alba oo la su’aalay suurtogalnimada uu Neymar Jr dib ugu soo laaban karo kooxda Barcelona ayaa wuxuu ku jawaabay:

“Wey iska cadahay inuu yahay ciyaaryahan gaar ah, wax badan ayuu horey inoo siiyay waana ku farxi doonaa soo laabashadiisa”.

Waxaa xusid mudan in heshiiska Neymar Jr ee kooxda Paris Saint-Germain uu ku egyahay xagaaga 2022, wuxuuna ka soo muuqday PSG xilli ciyaareedkan kahor inta aan kubadda cagta loo joojin Coronavirus 22 kulan, wuxuuna ku guuleystay inuu dhaliyo 18 gool, halka sidoo kale uu caawiyay 10 gool kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close