Kooxda Inter Milan oo bedelka Weeraryahankeeda Lautaro Martinez ka dhex aragta Arsenal

(Milan) 01 Juun 2020. Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa bedelka weeraryahankeeda Lautaro Martinez, waxa ay ka dhex aragtaa naadiga reer England ee Arsenal.

Kooxda Inter ayaa soo bandhigtay laacibka ay u aragto bedelka laacibkooda bartilmaameedka u ah Barcelona ee Lautaro Martinez.

Kooxda ka dhisan Talyaaniga ee Inter Milan waxa ay bartilmaameedsanaysaa dhaliyaha Arsenal ee Alexandre Lacazette, kaasoo ay u aragto bedelka Lautaro Martinez oo ka bixi kara garoonka San Siro.

Sida ay warinayso Jariirada Mundo Deportivo, Kooxda Inter Milan ayaa bartilmaameedsanaysa Weeraryahanka Kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette.

Kooxda ayaa horey diiradda u saartay Edinson Cavani iyo Timo Werner, laakiin waxay u dhaqaaqeen ninka reer France kaasoo ah bartilmaameedkooda koowaad, sida warbixinta lagu sheegay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close