Halkee ayuu doonayaa Philippe Coutinho inuu ka ciyaaro?

(Munich) 02 Juun 2020. Labo sano iyo dhowr bilood ayaa ka soo wareegtay markii ay Barcelona lacag adag ku soo qaadatay Philippe Coutinho oo xubin muhiim ah ka ahaa kooxda Liverpool, balse laacibka reer Brazil ayaa waqti adag kaddib baadi goobaya koox cusub oo uu ku biiro.

Naadiga Bayern Munich ayaa go’aansatay inaysan joogto ka dhigin heshiiskii amaahda ahaa ee ay Barca kaga soo qaateen Coutinho billawgii xilli ciyaareedkan, waxaana marka uu idlaado fasal ciyaareedkan uu ku laaban doonaa garoonka Camp Nou.

Kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ee dalka Spain ayaa maanka ku haysa inay iibiyaan kubbad sameeyahan maadaama bandhiggiisa uu noqday mid aannan gaarin halkii laga filayay.

Sidaas darteed, Barcelona ayaa kaliya kaga faa’ideysan karta Coutinho inay iska iibiyaan, si ay uga helaan lacago ay ku dukaameystaan suuqa xagaaga marka uu furmo.

Maaddaama waqtigiisii ugu wacnaa uu ku soo qaatay Liverpool, waxa uu doonayaa inuu mar kale ka ciyaaro Premier horyaalka League, inkastoo kooxaha waaweyn aysan xiiso mug leh u hayn saxiixiisa.

“Waxa uu jecel yahay inuu ku laabto Premier League markay ahaataba,” ayuu horraan daaha ka rogay Kia Joorabchian oo ah wakiilka Coutinho.

Joorabchian ayaa sidoo kale suuro gal ka dhigay in 27-jirka reer Brazil uu waqti kale oo amaah ah ku sii qaadan karo Bayern Munich, balse wax walba waxay ku xirnaan doonaan qorshaha Barca ay ka leedahay laacibkeeda marka suuqa xagaaga uu furmo, sida uu hadalka u dhigay wakiilka Coutinho.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close