Miyuu Paul Pogba Albaabada u furay inuu u ciyaaro Kooxda reer France ee Paris Saint-Germain?

(Paris) 01 Juun 2020. Sida wararku ay sheegayaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda kubadda cagta Manchester United ee Paul Pogba ayaa la soo warinayaa inuu Albaabada u furay inuu u dhaqaaqo naadiga PSG.

Maadaama uu Pogba Albaabada u furay inuu u Paris Saint-Germain, waxa uu dib ugu laaban karaa laacibkan reer France dalkiisa hooyo.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa waxaa soo baxday inay macquul tahay inay la soo wareegaan xiddiga Naadiga Manchester United ee Paul Pogba.

Would Pogba thrive in Paris Saint-Germain? - Quora

Warsidaha Le 10 Sport ayaa sheegeysa in PSG ay kula biirtay kooxaha Juventus iyo Real Madrid tartanka loogu jiro saxiixa Pogba, iyagoo muujinaya xiisaha ay u qabaan ciyaaryahankan khadka dhexe.

Inkastoo Pogba uu door-bidaayo u dhaqaaqista dalka Spain, haddana ninka reer France ayaa lagu soo warramayaa inuu u furan yahay fikirka ah inuu ka ciyaaro Magaalada Paris ee Caasimadda u ah dalkiisa Faransiiska.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close