Kooxda Juventus oo ka fiirsanaysa inay ku soo biirto tartanka loogu jiro saxiixa Philippe Coutinho

(Turin) 01 Juun 2020. Kooxda kubadda cagta ee Juventus ayaa la soo sheegayaa inay ka fiirsanayso inay ku soo biirto tartanka loogu jiro saxiixa ciyaaryahan Philippe Coutinho.

Jariiradda Tuttosport ayaa warinaysa in kooxda ka dheesha horyaalka Serie A ee Juventus ay ka fiirsanayso inay ku biirto tartanka loogu jiro saxiixa Philippe Coutinho xilli ciyaareedka soo socda.

Xiddigan reer Brazil ayaa ah hal ciyaaryahan oo kooxda reer Talyaani ay diyaar u tahay inay ka soo qaadato Naadiga Barcelona oo qeyb looga dhigo heshiiska uu dhanka kale ku aadayo Miralem Pjanic.

Kooxda Bayern Munich ayaa dooratay inaysan si joogto ah ula saxiixin Coutinho marka heshiiskiisa amaahda ee uu ku joogo Jarmalka dhammaado dhammaadka xilli ciyaareedka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close