Clément Lenglet oo ka hadlay waxa ay u baahan tahay Barcelona si ay ugu guuleysato La Liga

 (Spain) 01 Juun 2020. Daafaca reer France iyo kooxda Barcelona ee Clément Lenglet ayaa sheegay in kooxdiisa Barca ay u baahan tahay inay hesho dhibco badan si ay ugu guuleysato horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Barcelona ayaa ku hoggaamineysay 58 dhibcood miiska kala sareynta horyaalka La Liga kahor inta aan loo joojin sababa la xiriira caabuqa coronavirus, halka Real Madrid oo ku soo xigtay ay aruursatay 56 dhibcood.

Horyaalka La Liga ayaa markale la filayaa in dib loo ciyaari doono 11-ka bisha June ee soo socota, waxaana la filayaa in lasoo gabagabeyn doono 19-ka July, sida uu xaqiijiyey madaxweynaha La Liga ee Javier Tebas.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Clément Lenglet, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Soo laabashada horyaalka La Liga wuxuu noqon doonaa tartan cusub oo 11 kulan ka kooban, waa inaad heshaa dhibcaha ugu badan si aad ugu guuleysato, waxay u muuqataa sida inaad ka bilaabeyso meel eber ah”.

“Waan ognahay inay qatar tahay in lagu ciyaaro kulamo badan labo bilood gudahood, laakiin waxaan isku diyaarineynaa sida ugu fiican ee ugu macquulsan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa daafaca Barca ee Clément Lenglet.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close