“Messi malala bar-bardhigi karo Cristiano Ronaldo” – Gary Lineker

(Yurub) 31 Maajo 2020. Xiddigii hore xulka qaranka England ee Gary Lineker ayaa ka hadlay isbar-bardhiga u dhaxeeya labada xiddig ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, kuwaasoo si xoogan ugu tartamay horyaalka La Liga mudada 9kii sano uu laacibka reer Portugal ku sugnaa kooxda Real Madrid.

Haddaba halyeyga Gary Lineker ayaa iska diiday inuu la bar-bardhigo Cristiano Ronaldo kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi, wuxuuna u arkaa mid aan loo dulqaadan karin.

Gary Lineker oo la hadlayay shabakada caanka ah ee “BBC” ayaa yiri:

“Dadka waxay u barteen isbar-bardhiga noocaan oo kale ee nolasha ah, isba-rbardhiga Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo wuxuu ka mid ahaa isbar-bardhigyadaas”.

“Kala doorashadooda waxay ku  xirantahay kooxda aad taageerto ha ahaato Barcelona, Real Madrid ama Juventus oo dhawaan ah waana fahamsanahay arrintaas”.

“Waxaan taageere weyn u ahay Ronaldo, laakiin marka aan ka hadlayo ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, kama taagna wax dood ah ee ku saabsan waana Messi, tani waa aragtidayda shaqsiyadeed”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close