Halyeyga reer Brazil ee Ronaldo oo magacaabay SHANTA ciyaartoy ee ugu fiican adduunka xilligan

(Yurub) 31 Maajo 2020. Halyeyga reer Brazil ee Luís Nazário de Lima Ronaldo ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu kaga hadlay dhowr arrimood muhiim ah.

De Lima Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday aragtidiisa ku aadan 5-ta xiddig ee adduunka ugu fiican waqtigan la joogo, kuwaasoo ku raaxeysanaya wax qabadkooda xilligan.

Halyeyga reer Brazil ayaa kaga yaabsaday qof walba doorashadiisa 5-ta xiddig ee adduunka ugu fiican waqtigan aragtidiisa, madaama uusan ku jirin xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Haddaba Luís Nazário de Lima Ronaldo oo magacaabay  5-ta xiddig ee adduunka ugu fiican waqtigan la joogo ayaa wuxuu yiri:

“Lionel Messi, Mohamed Salah, Kylian Mbappé, Eden Hazard iyo Neymar Jr”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close