Tababare Mikel Arteta oo xiiseynaya saxiixa xiddig ka tirsan kooxda Barcelona

(London) 29 Maajo 2020. Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa qeyb ka noqotay raacdada loogu jiro mid ka mid ah xiddigaha Barcelona, inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo socda.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa xaqiijiyay in Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta uu xiiseynayo inuu lasoo saxiixdo laacibka qadka dhexe reer Brazil ee Rafinha Alcântara.

Sida laga soo xigtay wargayska“Mundo Deportivo” Rafinha Alcântara oo 27 jir ah ayaa qiimaha lagu iibsan karo waxaa lagu qiyaasay 13 million pounds.

Spanish Media Reports Arsenal Join Inter In Tracking Barcelona ...

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan haddii ay dhacdo in Rafinha Alcântara uu yimaado kooxda Arsenal, waxay Gunners ka bixi doontaa fikrada ay ku dooneyso inay si toos ah ula wareegto Dani Ceballos, kaasoo amaah ahaan kaga soo dhaqaaqay ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan naadiga Real Madrid.

Si kastaba ha noqotee, laacibka qadka dhexe reer Brazil ee Rafinha Alcântara ayaa wuxuu xilli ciyaareedkan qaab amaah ahaan ku joogaa kooxda kubadda cagta ee Celta Vigo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close