Sandro Rosell oo shaaca ka qaaday qaabka ugu fiican ee ay Barcelona kula soo saxiixan karto Lautaro Martínez

(Barcelona) 29 Maajo 2020. Madaxweynihii hore kooxda Barcelona ee Sandro Rosell ayaa ra’yigiisa ka dhiibtay istiraatiijiyadda ay tahay in Barca ay raacdo si ay u helaan adeega xiddiga reer Argentina iyo naadiga Inter Milan ee Lautaro Martínez.

Magaca Lautaro Martínez oo 22 jir ah ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda Barcelona, laga bilaabo xilli ciyaareedka cusub ee soo socda.

Lautaro Martínez ayaa noqday bar-tilmaameedka koowaad suuqa xagaaga ee Barcelona, iyadoo ay maamulka kooxda aaminsan yihiin inuu noqon doono badelka saxda ah ee Luis Suárez sanadaha soo socda.

Haddaba Madaxweynihii hore kooxda Barcelona ee Sandro Rosell oo wareysi dhinacyo badan taabanaya ku bixiyay “Radio Marca” ayaa wuxuu yiri:

Rosell: If I hadn't been Barcelona president I wouldn't have gone ...

“Ma bixin doono 111 million euros, oo ah qiimaha lagu kansali karo qandaraaska Lautaro Martínez ee kooxda Inter Milan, si kaliya aan ula soo saxiixdo”.

“Laakiin waxaan isku dayi doonaa inaan ciyaartoy qeyb kaga soo dhigo heshiiska si aan u yareeyo qiimaha lacagta”. ayuu Sandro Rosell u sheegay Radio Marca.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close