“Liverpool waxay u qalantaa in loo caleemo saaro horyaalka Premier League” – Halyey Man United ah

(England) 29 Maajo 2020. Halyeeyga Manchester United ee Ryan Giggs ayaa ammaanay qaab ciyaareedka ay soo bandhigeyso kooxda ay ku xilfaltamaan United-ka horyaalka Premier League ee Liverpool.

Macalinka xulka qaranka Weles ee Ryan Giggs ayaa dhinaca kale carabka ku adkeeyay in Liverpool ay u qalanto in loo caleemo saaro horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Wargeyska “Daily Star” ee dalka England ayaa qoray hadalada Ryan Giggs kaddib wareysi uu bixiyay dhawaantan, wuxuuna yiri:

Azerbaijan & Wales Press Conference and Training

“Liverpool waa koox weyn sanadkan, taasoo hoos timaada macalin weyn waana Jürgen Klopp”.

“Waa wax xanuun badan inaan sidaas sheego ka taageero ahaan kooxda Manchester United laakiin Liverpool xilli ciyaareedkan aad ayey u fiicneyd”.

“Si kasta oo ay noqoto, way ku guuleysan doonaan Premier League waana u qalmaan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close