Real Madrid oo soo bandhigtay magacyada afar ciyaartoy si ay u hesho Paul Pogba

(Madrid) 29 Maajo 2020. Sida ay shaaca ka qaadeen wargeysyada waxaa la soo sheegayaa horumar cusub  oo ku saabsan wadahadalada u dhexeeya Real Madrid iyo dhiggeeda Manchester United, si uu ugu dhaqaaqo Paul Pogba garoonka Santiago Bernabéu inta lagu jiro xilliga kala iibsiga ee xagaaga.

Pogba ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka tago Manchester United, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Juventus iyo Real Madrid ee xiiseynaya inay la saxiixdaan.

Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Real Madrid ay miiska u soo saari karto ilaa iyo afar ciyaaryahan, si ay u hesho kaliya adeega Pogba.

Wargeyska ayaa wuxuu hadalkiisa intaas ku sii daray in afarta ciyaaryahan ee miiska la soo saari karo ay kala yihiin Martin Ødegaard, James Rodríguez, Brahim Díaz iyo Lucas Vázquez.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Zidane uu wali doonayo Pogba, isla markaana Real Madrid ay isku dayi doonto inay qandaraas la gasho, iyadoo soo bandhigeysa magacyada afar ciyaaryahan, si ay Man United ugu ogolaato laacibka reer France inuu u dhaqaaqo Los Blancos.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close