Xilliga dib loo bilaabayo Premier League oo la shaaciyay, xilli kulanka koowaad ay Man City soo dhoweynayso Arsenal

(England) 28 Maajo 2020. Shuraakada Premier League ayaa maanta isku raacay in dib loo bilaabo xilli ciyaareedka horyaalka 2019/2020 maalin Arbaco ah 17-ka bisha June.

Xilligaas waxaa la ciyaari doonaa labo kulan oo horey ugu baaqday sababa la xiriira fiinaalkii Carabao Cup, Aston Villa ayaa wajaheysa Sheffield United, halka Manchester City ay soo dhaweyn doonto Arsenal, waxayna labadaas kulan dhici doonaa 17-ka bisha June, intaas kaddibna kulamada horyaalka ayaa toos u bilaaban doono Jimco 19 June.

Sababa la xiriira COVID-19, kulamada waxaa la dheeli doonaa iyadoo albaabada ay u xiran yihiin oo bilaa taageero ah.

Shuraakada Premier League ayaa sidoo kale isku raacay in dhamaan 92 kulan ee dhiman ay si toos ah u baahiyaan taleefishanada ee xuquuqda baahinta iska leh sida Sky Sports, BT Sport, BBC Sport iyo Amazon Prime.

Saacadaha laga baasan doono Ingiriiska kulamada:

Kulamada la ciyaari doono ayaa waxay soo gali doonaan xilliyadan:

Jimco:  20:00

Sabti: 12:30, 15:00, 17:30 iyo 20:00

Axad: 12:00, 14:00, 16:30 iyo 19:00

Isniin: 20:00

Maalmaha Taalaadada, Arbacada iyo Khamiista kulamada waxay soo gali doonaan 18:00 iyo 20:00.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close