Maanta oo ay ku beegan tahay maalintii uu Cristiano Ronaldo kulankiisii ugu dambeeyey u ciyaaray Kooxda Real Madrid

(Madrid) 26 Maajo 2020. Maanta waxa ay ku beegan tahay labo sano ka hor markii ciyaaryahan Cristiano Ronaldo uu kulankiisii ugu dambeeyey u ciyaaray Kooxda Real Madrid, markaasoo ay Los Blancos ku guuleysatay koobkeedii saddexaad oo xiriir ah ee Champions League.

Sanadkii 2018-kii maanta oo kale CR7 waxa uu dheelay kulankiisii ugu dambeeyey ee Real Madrid uu u safto, waxaana Kooxda ka dhisan caasimadda Spain ay markaas ku guuleysatay koobkeedii saddexaad oo xiriir ah ee Champions League markii ay Liverpool ku garaaceen 3-1 kulankii ka dhacay magaalada Kiev ee dalka Ukraine.

Real Madrid ayaa markaas ku guuleysatay koobkeedii 13-aad ee UCL taariikhda, sidoo kale waxay noqotay kooxdii ugu horreysay ee ku guuleysata saddex koob oo isku xigta oo Koobka Kooxaha Yurub markii labaad.

Xagaagaas, Cristiano Ronaldo wuxuu u dhaqaaqay Juventus iyagoo ku iibsaday 117 milyan oo euro, wuxuu dhaliyay 450 gool isagoo u sameeyey 131 caawin 438 kulan oo uu u saftay Real Madrid tartammada oo dhan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close