Ka hor kulanka caawa yaa goolal badan xilli ciyaareedkan ilaa iyo hadda labada weeraryahan ee Haaland & Lewandowski?

(Dortmund) 26 Maajo 2020. Dortmund ayaa caawa 7:30 saacadda geeska Afrika soo dhoweynaysa Bayern Munich oo hoggaanka u haysa horyaalka Bundesliga dalka Jarmalka.

Bayern Munich ayaa afar dhibcood ka sarreysa Dortmund ka hor kulankooda caawa ay ku ballansan yihiin.

Haddaba ka hor kulanka caawa yaa goolal badan xilli ciyaareedkan ilaa iyo hadda labada weeraryahan ee Haaland iyo Lewandowski?

Labadaba Haaland iyo Lewandowski ayaa dhaliyey 41 gool min 35 kulan oo ay ciyaareen tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan illaa iyo hadda.

Haaland xilli ciyaareedkan 19/20:

Austrian Bundesliga – 16 gool 14 kulan

German Bundesliga – 10 gool 10 kulan

Champions League – 10 gool 8 kulan

Austrian Cup – 4 gool 2 kulan

German Cup – 1 gool 1 kulan

Lewandowski xilli ciyaareedkan 19/20:

Bundesliga – 27 gool 25 kulan

Champions League – 11 gool 6 kulan

German Cup – 3 gool 3 kulan.

Haddaba su’aashu waxa ay tahay yaa gool dhalin doono labadaan xiddig kulanka caawa ay wada leeyihiin ee Der Klassiker, kaasoo dhex mara kooxaha Dortmund iyo Bayern Munich?.

GOOL FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close