Ousmane Dembélé oo noqday furaha ay Barcelona ku xalin karto heshiiska Neymar Jr

(Barcelona) 25 Maajo 2020. Kooxda Paris Saint-Germain ayaa bar-tilmaameed ka dhiganeysa inay la soo saxiixato xiddiga reer France iyo naadiga Barcelona ee Ousmane Dembélé, kaasoo ku guuldareystay inuu isku muujiyo kooxda ka dhisan gobolka Catalonia sababa la xiriira dhaawacyadiisa oo soo noqnoqday.

Wargeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Paris Saint-Germain ay dooneyso inay la saxiixato Ousmane Dembélé, taasoo fududeyn karta wadahadalada uu Neymar Jr dib ugu soo laabanayo Barcelona.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in PSG ay ku qanacsan tahay in dhaawacyada Ousmane Dembélé, ay sabab u tahay koritaanka muruqyadiisa, isla markaana wixii hadda ka dambeeya in wax walba ay muujinayaan inuu ku qasban yahay muujinta deganaan si uu ugu ciyaaro si joogta ah.

Si kastaba ha noqotee, Paris Saint-Germain ayaa isku dayday inay la soo saxiixato Ousmane Dembélé xagaagii lasoo dhaafay, wuxuuna wali magaciisa saaran yahay miiska wada hadalada u dhaxeeya labada kooxood, si loo yareeyo qarashaadka heshiiska Neymar Jr.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close